Latest news updateWarkii Universal Tv

Yaa ka dambeeyay qaraxii lagu dhamaaday ee Soomaali oo dhan ay la harsan weysay

Warka Universal Tv & warar kale oo ku xiiso geliya maalin walba kala soco www.saafifilms.com. Sidoo kale xulka dhacdooyinka Soomaalida, Aflaan, Musalsalo, Sheeko gaaban, layaab, qosol & weliba diinta.

Somali News information is gathered all around the world specially where Somali people live, news footage & preparing it about current events. Journalists provide news through many different media formats, based on word of mouth, broadcasting, electronic communication, and also on their own testimony, as witnesses of relevant events.

Warkii Universal Tv is the leading Somali news agent that produces dozens of news items daily, Thus if you need to watch video footage of  the latest news that comes from different places this is the right place to watch.

We also produce Somali films, Music & Islamic education & lectures, our video production studios locates in multiple locations such as Mogadishu Somalia, Cairo Egypt & London England.

You can visit our website Saafi Films hourly & enjoy our updated contents.

——

Ugu yaraan 300 oo qof ayaa ayaa ku dhimatay qaraxii labo cisho ka hor ka dhacay isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, halka dhaawaca uu kor u dhaafayo boqolaal kale

Ma jirto masiibo xadkan la’eg oo mar kaliya dadka intaas la’eg ay ku dhinteen inta la xusuusanyahay taariikhda dhow ee Soomaaliya sida uu sheegay madaxa gaadiidka gargaarka degdega ah ee Muqdisho, Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.

Dhacdadan uurku taalada iyo xanuunka badan ayaa maasuuliyinta dowlada Soomaaliya waxay ku eedeeyeen iney ka dambeysay kooxda Al-shabaab oo dagaalo kala horjeeda.

Hase ahaatee Al-shabaab oo weeraro kan la mid ahaa balse ka khasaare yaraa horey u sheegatay ayaa ku dhiiran weysay iney dusha saarato masuuliyada weerarkan dhaliyey Khasaaraha xanuunka badan, illaa haddana ma jiro war ay soo saareen oo weerarkan ay ku sheeganayaan ama isaga fogeynayaan.

Soomaalida intooda badan ayaa aaminsan in weerarkan uu leeyahay calaamadaha muujinaya iney ka dambeysay Al-Shabaab, iyagoo tusaale u soo qaadanaya qaraxyada aan bartilmaameedka laheyn ee lala beegsanayey mudooyinkan goobaha shacabka sida wadooyinka, Maqaayadaha  iyo Suuqyada qaarkood, kuwaasoo kooxdu ay sheegatay iney ka dambeysay.

Dadka falanqeeya arrimaha Somalia ayaa sheegaya in aamusnaanta  Al-shabaab aysan wax macno ah sameyneynin maadaama bay leeyihiin uusan shaki uga jirin shacabka iney soo maleegtay weerarkan xooga badan, ayna jireen weeraro hore oo sidan oo kale ay uga aamustay.

Warbaahinta Al-Shabaab oo si weyn u buun buunin jiray qaraxayada ay Al-shabaab gaysato ayaa weerarkan uga gaabsaday iney warbixinadii looga bartay ka qoraan maadaama Al-shabaab aysan masuuliyiintooda ka hadlin.

Saraakiisha dowlada ayaa sheegaya in qof ka tirsan shaqaalaha shirkadaha isgaarsiinta qaarkood loo soo xiray weerarkan kaasoo lagu eedeynayo inuu damiintay gaariga xamuulka ah ee weerarkan lagu fuliyey markii magaalada la soo gelinayey, waxaana laamaha amaanka iyo kuwo sirdoonka dalka ay wadaan baaritaano looga sal gaarayo abaabulka weerarkan.

Back to top button