Latest news updateWarkii Universal Tv

Wadamo hor leh oo lagu soo daray dadka laga mamnuucay in ay tagaan Mareykanka.

New countries added to the USA travel ban.

Citizens of seven countries will face new restrictions on entry to the US under a proclamation signed by the US President.

“Making America Safe is my number one priority. We will not admit those into our country we cannot safely vet,” Mr Trump said in a tweet.

The new rules, which will affect the citizens of Chad, Iran, Libya, North Korea, Somalia, Syria, and Yemen, will go into effect on October 18.


Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sii kordhiyay amarkii uu dalka Mareykanka uga mamnuucay in ay kusoo galaan dadka kasoo jeeda Dhoor Wadan oo Muslimiin ah ay Soomaaliya ku jirtay.

Amar cusub uu soo saaray Madaxweynaha dalka Mareykanka lana filayo in uu dhaqan galo 18-ka bisha October ee sanadkan ayaa lagu kordhiyay wadamada dadkooda laga mamnuucay in ay soo galaan Mareykanka.

Wadamada Cusub ee ee lagu soo daray dadka laga mamnuucay in dadkooda u safraan dalka Mareykanka ayaa kala ah Chad ,Venezuela iyo Kuuriyada Waqooyi, waxaana liiskii hore laga reebay dalka Sudan oo kamid ahaa Wadamada dadkooda laga mamnuucayu in ay u safraan Mareykanka.

Amarkan Madaxweuyne Donald Trump ayaana saameyn doona hada 8-Wadan oo kala ah Chad, Iran, Libya, Kuuriyada Waqooyi, Somalia, Syria, Venezuela iyo Yemen, waxaana saraakiisha Mareykanka wadamadan ku eedeeyeen in ay diideen in ay la wadaagaan xogta Argagaxisad.

Go,aankan cusub ayaa imanaysa xilli uu dhacayo 90-ki maalmood ee uu madaxweyne Trump u qabtay amarki uu muwaadiniinta lix wadan oo Muslim ah uga mamnuucay in ay Mareykanka kusoo galaan

Back to top button