DiintaLatest news update
Dadweynaha ku dhaqan Hargeysa oo isugu soo baxay muxaadarada Sh. Kenyawi
Sh. Maxamed Sh. Ibrahim Kenyawi oo sidaynu lawada soconay socdaal diimeed kumarayey Somaliland ayaa maalmihii uu joogay kulamo kaladuwan layeeshay dadwaynaha ku dhaqan magaalada Hargaysa.
Masaajidka Cali Mataan ee kuyaalla bartamaha magaalada Hargaysa ahna masjidka ugu dadka badan ayuu Sh. Kenyawi kajeediyey muxaadaro aad usoo jiidatay kasoo qaybgalayaashii taasoo uu kaga hadlayey dulmiga iyo raadadka xun ee uu leeyahay.
Iyadoo si aad ah loo soo buuxdhaafiyey masjidka iyo agagaarkiisa ayaa weliba dadku kadhegaysanayeen dhismooyinka ku dhow masjidka.