Latest news updateWararka ugu shidanWarkii Universal Tv

Daawo Sawiro: Wiilka Boqor Salmaan oo iibsaday guriga ugu qaalisan dunida

Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman has been revealed as the owner of a French chateau described as the world’s most expensive home.

The purchase of the vast property west of Paris for $300m (€275m) would be the latest in a string of extravagant purchases by the powerful prince, who has been waging a sweeping anti-corruption campaign.

Saudi officials have declined to comment on the report, which comes after French investigative website Mediapart similarly pointed to the prince as the owner in July.

————–

Daawo Sawiro: Wiilka Boqor Salmaan oo iibsaday guriga ugu qaalisan dunida

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa noqday ninka magaciisa la qariyay ee iibsaday guriga ugu qaalisan dunida ee ku yaalla Faransiiska, sida uu daabacay wargeyska The New York Times.

Wargeyska ayaa sheegay in warqadda kala iibsiga gurigaasi uu ka muuqdo dhaxal sugaha boqortooda oo dhowr shirkadood u maray arrinta.

Qasriga oo ku dhow Versailles, wuxuu leeyahay kalaab, shineemo, jidad yaryar oo qoyan iyo biyo hoose oo kalluun uu ku nool yahay.

Qiimaha guriga wuxuu ahaa $320 milyan oo dollar. Wargeyska dhaqaalaha ka hadla ee Fortune ayaa sheegay in qasriga uu yahay kii ugu qaalisanaa caalamka.

Magaca qofka iibsaday guriga lama garaneyn xilligii hore.

Laakiin The New York Times ayaa ku warrantay in warqadaha ay muujinayaan in guriga ay iibsatay shirkad uu maamulo Amiir Maxamed bin Salmaan oo qeyb ka ah hay’addiisa u gaarka ah

Dowladda Sacuudiga ayaa diiday in ay ka hadasho arrintan.

Haweeney u hadashay safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaa weriyayaasha The New York Times ku eedeysay “baahinta war aan dhexdhexaad ahayn oo ay dano gaar ah ka leeyihiin”.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, Amiir Maxamed wuxuu hoggaaminayay olole aan horey loo arak oo ka dhan ah musuqa, si xun u adeegsiga awoodda, iyo arrimo kale.

Wuxuu xiray tobannaan qof oo caan ka ah Sacuudiga, sida amiirro, wasiirro iyo taajiriin, lagu xiray qasriga qaaliga ah ee ku yaalla Riyaadh ee loo yaqaano Ritz-Carlton.

Bartamihii 2015, Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa la sheegay in uu $590 milyan oo dollar ku iibsaday doon qasri ah oo uu lahaa ganacsade u dhashay Ruushka.

Wargeyska The New York Times ayaa sidoo kale sheegay in qofka dhabta ah ee iibsaday sawirka farshaxanka ee Leonardo da Vinci ee uu sameeyay Salvator Mundi, uu yahay Amiir Maxamed bin Salmaan.

Wuxuu ku bixiyay lacagtii ugu badnayd oo gaareysa $450 milyan oo dollar. Waxaana sawirkaasi lagu soo bandhigi doonaa magaalada Abu Dhabi.

Markii hore waxaa loo maleynayay in uu iibsaday amiir kale oo la qariyay magaciisa, balse wargeyska wuxuu sheegayaa in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu yahay ninka laga iibiyay sawirkaasi farshaxanka ah.

Daawo Sawiro: Wiilka Boqor Salmaan oo iibsaday guriga ugu qaalisan dunida

Warkan oo kale ka daawo Saafifilms.com
Waxyaabo kale oo aad ku madadaasho saacad walba ka daawo Saafistudio.com

Daawo Sawiro: Wiilka Boqor Salmaan oo iibsaday guriga ugu qaalisan dunida

Back to top button