Latest news updateWarkii Universal Tv

Daawo M. Farmaajo oo xariga ka jaray xarunta laga maamulo hawada

The Federal government of Somalia has opened new flight info center inside Mogadishu’s Aden Abdulle International Airport on Thursday, Dec 28.

A colorful ceremony to launch the newly built center has been held at the Airport with attendance of government ministers, MPs and other key guests, including diplomats.

Somalia fully takes over managing airspace and provision of air navigation services from UN’s ICAO which controlled Somalia airspace since 1992 after the civil war broke out.

A sophisticated equipment was installed in the center with the help of foreign experts, and the country will be able to manage the airspace despite challenges.

——–

Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Xarunta laga maamulayo  Hawada Soomaaliya oo 27-sano kadib Muqdisho loo soo wareejiyay

Munaasabad balaaran oo xaruntan cusub xariga looga jarayay ayaa maanta ka dhacay Xarunta Hey’adda Duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya oo kutaala Garoonka Aadan Cadde, waxaana munaasabadan ka qeyb galay Madaxweynaha iyo masuuliyiin kala duwan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay halka ay yaalaan qalabka loogu tala galay in lagu hago hawada Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynaha indhihiisa ku arkay qalab casri ah oo loogu tala galay hagida hawada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tijaabo ku sameeyay qalabkan lagu hagayo hawada Soomaaliya, waxa uuna Madxaweynaha qalabkan kala hadlay diyaarado hawada Soomaaliya xiligaasi ku jiray.

Soomaaliya ayaa 27-sano kadib ku guuleesatay in ay dib ula soo wareegto maamulida hawadeeda oo horey looga maamuli jiray dalka Kenya, waxa ayna tilaabadan umada Soomaaliyeed iyo dowladaba u tahay guul weyn.

For latest news please visit Saafifilms.com

For latest entertainment & productions visit Saafistudio.com

Back to top button