Home » Latest news update » Daawo Sawiro Iska Hor imaad Khasaaro geestay oo Goordhaw ka dhacay Muqdisho

Daawo Sawiro Iska Hor imaad Khasaaro geestay oo Goordhaw ka dhacay Muqdisho

Two soldiers were killed and others wounded on clashes among government soldiers in Somalia’s capital Mogadishu.

Clashes erupted when Mogadishu’s Stabilization Security Unit clashed with a military unit based in the city

The intensity of the gunfire used during the clash forced residents in the neighborhood to flee to other parts of the area,

Four other soldiers were also injured earlier on Wednesday in clashes between military forces and security troops in Hodan and Wadajir districts in the capital.

————-

Daawo Sawiro Iska Hor imaad Khasaaro geestay oo Goordhaw ka dhacay Muqdisho

Ciidamo la sheegay in ay kawada tirsan yihiin Dowlada Soomaaliya ayaa goordhaw iska hor imaad khasaaro nafeed dhaliyay waxa uu ku dhax maray Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan.

Sida aan Wararka ku helnay Ciidamo katirsan Xasilinta Caasimada iyo Ciidamo kale oo Milatari ah ayaa isku rasaaseyay Isgooska Sancda, kadib markii Ciidamada xasilinta damceen in ciidankaasi hubka ka dhigaan.

Inta la xaqiijiyay labo askari oo katirsanaa Ciidanka Mulatariga ayaa goobtaasi lagu dilay, ciidamada Xasilinta ayaana horey usii qaateen qoryihii ay askartaasi wateen sida goob joogayaal ku warameen.

Meydadka askarta la dilay ayaa mudo daqiiqado ah yaalay goobtii lagu dilay, waxaana goobtaasi isaga dhaqaaqay Ciidankii Xaslinta ee la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka askartaasi.

Ciidamo kale oo katirsan Nabad sugida dowlada Soomaaliya ayaa soo gaaray halka ay ka dhacdady is rasaaseynta khasaaraha geesatay, xaalada Isgooska Sanca ayaana hada wax xoogaa degan.

Daawo Sawiro Iska Hor imaad Khasaaro geestay oo Goordhaw ka dhacay Muqdisho

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah