Latest news updateWarkii Universal Tv

Daawo Muuqaal sawiro Duqa Muqdisho oo kormeeray dib u dhiska Wadada Soddonka

Daawo Muuqaal sawiro Duqa Muqdisho oo kormeeray dib u dhiska Wadada Soddonka

https://youtu.be/RdamdscVSfY

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa maanta booqasho ku tagay Wadada Sodonka ee Muqdisho oo mudooyinkan ay ka socdeen howlo dib u dhis ah oo heer gebogebo ah maraya

Eng. Yarisow waxaa kormeerkiisa ku wehlinayay masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir, isagoo la kulmay Masuuliyiinta degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan iyo saraakiisha booliska labadaas degmo.

Waxa uu warbixin ka dhageystay Injineerada ku howlan dhismaha wadada Sodonka oo hadda qeybaheedii ugu dambeeyey laami saarid ay ku socoto.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay inay dhisayaan dhamaan wadooyinka burbursan ee magaalada si loo soo celiyo bilicda magaalada isku socodka gaadiidka iyo dadweynahana ay u sahlanaato.

Wadada Soddonka ayaa waxay martaa afar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir oo kala ah Hodan, Warta Nabada, Howlwadaag, iyo Yaaqshiid waxaana oo ka mid aheyd kuwa ugu burburka badan sanad ka hor dhismaheeda dhagax dhigay Raisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Daawo Muuqaal sawiro Duqa Muqdisho oo kormeeray dib u dhiska Wadada Soddonka

 For the latest news update please visit Saafifilms.com For more entertainment visit Saafistudio.com

Back to top button

Adblock Detected

Fadlan disable ku samee Adblock si webka Saafi Films aad u daawato