Latest news updateWarkii Universal Tv

Daawo sawirkii qabsaday baraha bulshada oo dhabtiisa la ogaaday

The truth about the picture of a lady holding a gun which became viral

The truth about the picture of a lady holding a gun which became viral on the internet.

This lady lives in Abudwak where she keeps a khat shop then she decides to stop a truck currying goods & tell them to offload to truck & after checking she frees the truck.

—————

Sawir laga qaaday Haweeney Soomaaliyeed oo ka tirsan shacabka degmada Caabudwaaq ayaa maalmahan qabsaday baraha bulshada, kaasoo muujinayey iyadoo qori la hor taagan gaari TM ah oo galaya degmadaas.

Kiin Seeraar Colaad oo ka tirsan ganacsatada Qaadka ee magaalada Caabudwaaq ayaa ayaa sheegtay in qori ay ku ilaashaneysay meheradeeda Qaadka ay la hor istaagtay gaari wayn oo kuwa xamuulka qaada ah, waxayna darawalkii ku amartay inuu joojiyo gaariga si loo baaro.

“Markii uu joojiyey waxaan ku iri soo daadega alaabta gaariga saarana soo dejiya, waxay yiraahdeen anagu shacab baan nahay qarax ma wadno balse waan ka diiday, markii allaabtii ay wadeen dhulka la soo dhigay oo la ogaaday ineysan qarax wadin ayaan fasaxay” ayey tiri Kiin oo sheegtay iney ahaan jirtay kabtan ka tirsan ciidankii hore ee XDS qeybta 21-aad ee fadhigeeda ahaa magaalada Dhuusamareeb.

Baabuurka ayaa waxa uu noociisu ahaa TM oo dhowaan loo adeegsaday qaraxii Muqdisho ka dhacay ee ay ku dhinteen dad ka badan 350 qof.

Haweenaydan oo la hadleysay BBC ayaa waxa ay sheegtay in dadku weli argagax iyo walwal ay ka qabaan baabuurta noocan ah wixii ka dambeeyey qaraxaasi.

”Waxa ka dhacay Muqdisho 14-kii bishan waa xasuuq aanan weligeen iloobi doonin. Aad ayaan isaga ilaalinaynaa baabuurta xamuulka ee soo galaya magaaladeena. Markii aan aragnay baabuur noocii oo kala ah oo soo galaya magaaladeena, waynu argagaxnay” ayey tiri Kiin talaabada ay qaaday qeybaha bulshadu soo dhoweeyeen.

Back to top button