SHABAAB
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Farmaajo oo 9-Sagaal Qodob ku waayay in loo Magacaabo Raisul wasaaraha Somalia (Akhriso)
Raisul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo isagu shacbiyad ballaaran ku dhex leh Gabi Bulshada Soomaaliyeed ayaa iminka waxa uu Raisul wasaara nimada ku waayay ‘’Wadaniyadiisa’’ kadib markii Dowladaha Galbeedka oo garab ka helaaya Siyaasiyiin aan ku xeel dheeren Siyaasadda Caalamka iyo tan gudaha si booska looga saaro
Maxamed C/llahi Farmaajo oo isagu xiligaasi la doonaayay in xilka Raisul wasaaranimo loo magacaabo
Maxamed C/llahi Farmaajo ‘’Siyaasi Bulshada shacbiyad ku dhex le’’ waxa uu Xilka Raisul wasaaranimada ku waayay 9-Qodob oo kala ah :-
1- Wada tashiga Madaxweynaha uu la yeeshay beelaha waxaa kamid ahaa in Maxamed C/llahi Farmaajo uu ka ilaaliyo magacaabista Raisul wasaaranimadda maadama uu yahay Masuul shacbiyad weyn ku dhex leh Bulshada islamarkaana Aftahan ah. Taasi waxa ay qasabtay in laga ilaaliyo xilkaasi si madaxweynaha uu howshiisa u wato
2- Hadii loo magacaabi lahaa Farmaajo Raisul wasaare waxaa Afka juqda gabilahaa Madaxweynaha waxa uuna isugu soo aruuri lahaa Villa Somalia maadama uusan ahayn madaxweyne af-dheer, Bulshaduna waxa ay Madaxweyne u aqoonsanaan lahayd inuu yahay Farmaajo maadama Farmaajo uu yahay aabaha wadaniyiinta
3- Maxamed C/llahi Farmaajo waxa uu leeyahay Siyaasiyiin kasoo horjeeda Siyaasadiisa sida Galbeedka,dowladaha dariska la’ah Somalia oo uu ka hor istaagay inay dalka ka adeegtan iyaga oo aan la tashan xukuumada Somalia taasina waxa ay soo dadajisay in laga ilaaliyo Raisul wasaaraha maadama Xukuumada Somalia asalk ahaanteeda ay soo doorten Dowladaha caalamka ‘’nin dooran yaa doorta idin dhahay’’
4- Farmaajo hadii loo magacaabi lahaa Raisul wasaare Xukuumada Somalia waxa ay ka shaqeyn lahayd gudaha somalia oo qurah, waxaana xir-xirmi lahaa xiriirka calamiga. Maadama Galbeedka iyo Africa ay kasoo horjeedan Siyaasada Mudane Farmaajo
5- Hadii Farmaajo la magacaabi lahaa waxaa meesha ka bixi lahaa Rajadii Shariif Xassan ee Dowladda Cusub, maadama doorashada kahor loo balan-qaaday xubin uu ku qanco taasina waxa ay soo dadajisay in Farmaajo meesha laga saaro
6- Siyaasadda Xarakada ‘’Dam jadiid’’ iyo Farmaajo oo cagsi isku ah, hana ilaawin in Madaxweyne Xassan Sheikh uu xiriir muuqda iyo mid aan muuqan la leeyahay ‘’Dam Jadiid’’
7- Rabitaanka shacabka iyo xukuumada Cusub oo la kala ilaalinaayo maadama Farmaajo uu yahay masuul karti u leh lagana yaabo inuu xisaabtan la galo Madaxweynaha isaga oo xanibaad kusoo ragaayo safarada Madaxweynaha si hantidaasi dib loogu celsho dalka
8- Farmaajo oo ah Shaqsi aan u dhaga nugleen Siyaasadda Caalamka laguna tilmaamo Muwaadinka qurah oo Dowladda Soomaray taasina waxa ay sababtay in xubintaasi uu ku waayo ‘’Muwaadinimada’’ waxaa tusaale kaga filan in Dowladihii dalka soomaray ay xil ka qaadis ku sameyn jireen Masuul waliba oo ay ka muuqato ‘’wadaniyad’’ Farmaajo isaguna waa Masuul aan dhankaasi laga marin
9- Muhiimada ugu weyn uu Farmaajo xilkiisa kuwaayay waa markii warbaahinta uu ka shaaciyay in Ciidamada Dowladda uu kalsooni iyo wadaniyad ku beeri doono kuwa AMISOM iyaguna uu dalka kasaari doono .
Maxamed C/llahi Farmaajo sida dhabta ah waa Siyaasi aan baqan bulshaduna ay kalsooni siisay balse la tashiyo badan uu madaxweynaha la qaatay beelaha soomaalida iyo Dowladaha saaxiibada la’ah Somalia waxaa soo baxday in Farmaajo uu halkaasi ku waayo Xubintii Raisul wasaaranimo
Ugu danbeyntii Madaxweyne Xassan Sheikh waxa uu u baqay in magaciisa iyo waxqabadkiisa uu ku waayo magacaabista Farmaajo hayeeshe waxa ay muhiimadu tahay in Somalia ay xiligaani u baahantahay Masuul ku xeeldheer Siyaasadad bulshaduna ay ka muuqan karto baahida ay masuulkaasi u qabaan .

Wariye: Anwar Bakhiit
Khartoum – Sudan
Email: wararka@live.se
Tel: +2499-25293622
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,958,063 unique visits Top