Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|
      
|
Jawaari: R/wasaaraha waxaa looga fadhiyaa Xukuumad tayo leh |
|
Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu ugu baaqay Ra’iisul wasaaraha cusub in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh islamarkaana wax ka qabata musuq maasuqa iyo wax isdaba marin.
Sidoo kale Jawaari ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaliya looga baahan yahay inay la shaqeyso barlamanka cusub ee Soomaaliya, islamarkaana lagama maarmaan ay tahay wada shaqeyn Dowladda dhexdeeda ah.
Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kaasi oo uu tibaaxay in uu kusoo magacaabay wadatashiyo badan oo uu la sameeyay qeybaha bulshada iyo sidoo kale Beesha Caalamka. |
|