Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|
     
|
TALISKA CIIDAMADA DOWLADDA OO KA DIGAY IN CIIDANKA AY DHIGTAAN ISBAAROOYIN |
|
Xilli Magaalada Muqdisho meelo kamid ah ay yaalaan isbaarooyin si sharci daro ah gaadiidka looga qaado lacago ayaa taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed wuxuu ka hadlay arintaasi.
C/qaadir Sheekh Cali Diini Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya aan looga bahneeyn inay dhigtaan isbaarooyin dadka ay lacago kaga qaadayaan.
Wuxuu sheegay taliyaha ciidamada xooga dalka in ciidamada dowladda laga doonayo inay unaxariistaan shacabka Soomaaliyeed islamarkaana aysan dhibaateen maadaama shacabka ay ushaqeeyaan ciidanka.
Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa kula dardaarmay ciidamada dowladda Soomaaliya inaysan marnaba xanibin ciidamada dowladda gaadiidka shacabka ah.
Hadalka Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa wuxuu imaanaya xilli dadka qaar ay cabasho ka muujiyaan ciidamada dowladda Soomaaliyeed taasi oo ku aadan inay ciidanka ugeestaan dhac iyo dhibaatooyin kale.
|
|