(Daawo Sawiro La Yaab Leh) Suxufiyad Maraykan Ah Oo Ka Cabatay Madaxweynaha Dalka Iiraan Sida Uu Ula Dhaqmay Mar Ay Dhawaan Waraysatay‏
Suxufiyad u dhalatay dalka Maraykanka oo dhawaan waraysi la yeelatay, Madaxweynaha Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan Maxamuud Axmedi Najaad, oo ku sugnaa Magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay ku taalo ayaa ka cabatay habkii uu Madaxweynuhu ula dhaqmay markii uu Studio-ga weyn ee telefishanka ay ka shaqaynaysay. Gabadhan suxufiyada ah ayaa sheegtay in Madaxweynaha Iiraan aanu gacan qaadin markii uu yimi Studio-ga guud ee Telefishanka CBS ee dalka Maraykanka wakhtigaas oo ay gacanta la holatay si ay u salaanto, laakiin sida ay xustay aanu Maxamuud Axmedi Najaad salaantaa gacan qaadka ah ka qaadin.
Sidoo kale waxa ay suxufiyadani ka cabatay in Madaxweynaha Iiraan ka dalbaday in aanay labadeeda lugood is dul dhigan inta uu waraysiga bixinayo ama Studio-ga uu ku sugan yahay, taas oo meel ka dhac ku ah sida ay sheegtay ama hab dhaqankeedi caadiga ahaa wax ka badashay.
Suxufiyadan oo shalay la hadashay warbaahinta dunidu waxa ay hab dhaqankaas ku tilmaantay mid ka dhan ah qawaaniinta iyo madax banaanida saxaafada oo sida ay tilmaantay iyada lagu hagayo, iyada oo sheegtay in ay ka cabanayso oo ay aad uga xumaatay in kasta oo aanay faah faahin ka bixin sababta ay wakhtigaas uga qaadatay awaamiirtii uu siiyey.
Waraysiga suxufiyadaasi la yeelatay Madaxweynaha Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan oo ahaa todobaadkii dhawaa markii uu ku sugnaa Magaalada New York oo uu kaga qayb galayey shir weynaha todoba iyo lixdanaad ee gollaha loo dhan yahay ee Qaramada midoobay telefishanka CBC ka qaaday ayaa ciwaankiisu ahaa xidhiidhka Iiraan iyo Maraykanka.
Inta badan Madaxda dalka Iiraan ayaan gacan qaadin haweenka ajaanibka ah taas oo waafaqsan sida diinta Islaamku farayso raga muslimka ah, kana reebaysa gacan qaadka dumarka aan Muxramka u ahayn waxaana nidaamka Maamul ee Dalka Iiraan tan iyo wixii ka danbeeyey markii uu ka curtay kacaanka Islaamiga ee uu hogaaminayay Aayatullaahi Khumayni ku dhaqmayey dalkaasi shareecada diinta Islaamka.