MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Aguero: Messi Qosol Ayuu Dhulka La Dhacaa Marka Uu Soo Xusuusto Inaan Aqoonsan Waayay 2005tii.
Sergio Aguero ayaa shaaca ka qaaday inuu la qoslo xiddiga Barcelona Lionel Messi ka dib marka ay soo xusuustaan inuu aqoonsan waayay Messi koobkii adduunka ee U-20 ee 2005tii lagu qabtay Netherlands.

Argentina ayaa koobkaas ku guuleysatay ka dib markii ay finalkii 2-1 ku garaaceen Nigeria.

“Waxaan ka hadleynay kabaha lagu ciyaaro, ka dib Messi ayaa wax yiri” ayuu Aguero u sheegay DirectTV Sports.

“Waxa uu yiri magaceyga waa Lionel, waxaana weydiiyay, maxaa laguugu daraa?



“Waxa uu yiri ‘Messi’, hadana wuu ku celiyay ‘Messi’. Weli xitaa ma aqoonin cida uu yahay. Ka dib waxaan aqriyay inuu jiro Messi xulka ka sii dhex muuqanaya.”

Aguero ayaa markaasi ka dib qirtay in sheekadaas ay noqotay haatan mid ka mid ah kaftanada dhexmara labada ciyaaryahan ee ay ku maadeystaan.

“Messi waxa uu la ilmeeyay qosol, welina qosol ayuu dhulka la dhacaa marka uu soo xusuusto” ayuu yiri 24 jirkaan, kaasoo ay qol wada seexanayeen koobkaas oo uu Messi ka noqday ciyaaryahankii ugu fiicnaa.

“Markaas waxaan jiray 17. Wax caadi ah ayayna inaga aheyd labadeenaba” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,555,361 unique visits Top