DHAGAYSO: Sababihii ay Militeriga Kenya usoo galeen Soomaaliya iyo amaan xumada wali Kenya ka jirta oo la cadeeyay
Ciidamada Kenya maxey aheyd sababtii kadanbeysay in ay gudaha u soogalaan Dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Jubooyinka oo ay haatan dagaal xoogan kula jiraan Al-Shabaab.
Hadaba sababta ay ciidamada Dalka Kenya ay usoo galeen Soomaaliya ayaa waxaa kahadlay Xoghayaha Gudiga Nabad Galyada Magaalada Gaarisa Xasan Cismaan Shuuriye kaas oo lahadlay warbaahinta Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay aheyd sababtii kadanbeysay in ay Ciidamada Kenya ay gudaha ugalaad Dalka Soomaaliya amni daro ku korartay Gobolka Waqooyi Bari gaar ahaan Magaalada Gaarisa.
Waxa uu sheegay mar uu arimahaas kahadlaayay in markii ay kubadatay Magaalada Gaarisa dilalka qaraxyada iyo afduubyada loo geysto dadka ajaanibta ah ay ugu danbeyntii sababtay in ay Ciidamada Kenya ay gudaha u galaan dalka Soomaaliya oo ayna haatan kadagaalamayaan Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.