DHAGAYSO Dr Gaas: Kuwa Nairobi jooga ee Beesha Caalamka ah waxaa ay isdhayeen Soomalida wax ma qabsan karto
Ra’isul Wasaaraha waqtigiisu dhamaaday Dr C/Wali Maxamd Calki “Gaas” ayaa shaaca ka qaaday in xukudiisii ay horseeday in Soomaaliya ay ka baxdo marxaladii kala guurka ayna doorato Madaxweyne Cusub.
Dr Gaas ayaa sheegay in dadaalkooda ay isugu geeyeen dhamaystirka dastuurka, doorasho ka dhacda Muqdisho iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Sidoo kale Waxaa uu sheegay in Xafiisyada Beesha Caalamka ee Nairobi kuyaal aysan marnaba aamisanayn in Soomaalida ay kaligood wax qabsan karto.