MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Kenya oo sheegtay inay heshay xog ku aadan in Gudaha magaalada laga sameyn rabo Qaraxyo xoogan
Saraakiisha booliska dalka kenya ayaa ka digay in xarakada al shabab oo somalia ka dagalanta dalka kenya ay ka geesato weeraro iyo qaraxyo dumar ay u adeegsadaan.

Afhayeenka ciidamada booliska dalka Kenya Eric Kiraithe ayaa sheegay inay hayaan xog ku saabsan in al shabab ay qorsheenayaan in ay falal argigixisinimo ah ay ka geestyan safaaradaha dowladaha reer galbeedka ay ku leeyihiin dalka kenya , xafiisyada dalka kenya ay ka daganyihiin hey’adaha caalamka ka jira , hotellada , suuqyada , maqaayadaha iyo goobaha kale oo ay dadku isugu yimaadaan , waxana afayeenku uu sheegay in al shabab ay badaleen tactikadii lagu yaqiinay oo ay la soo baxeen farsamo ah in dumar ay u adeegsadaan falalka ay ku dhaqaaqayaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Eric Kiraithe afayeenka ciidamada dowladda kenya waxa kale oo uu sheegay in hey’adaha sirdoonka dalka kenya muddooyinkii la soo dhaafay ay heleen warbixinno muujinaya in wadamada ku yaala bariga africa oo ay kenya kamid tahay Al shabab ay ka geesan rabaan falal argigixisinimo ah maadaama uu sheegay in Al shabab haatan ay cadaadis xoogan dhanka somalia ay kala kulmeen islamarkaana laga qabsaday magaalada kismaayo oo istaraatiiji ah sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale sarkaal sare oo ka tirsan dowladda kenya ayaa isna waxa uu sheegay in il gaar ah ay ku eegayaan dadka kaga imaanaya dhanka somalia oo ka soo talaabaya xadka maadaama uu sheegay in dagaalyahanno ajaanib ah ay isaga soo cararayaan deegaano ka tirsan jubbooyinka sida uu yiri.

Kenya ayaa tan iyo markii ciidamadeeda somalia soo gelisay waxa ay deris la noqotay weeraro iyo qaraxyo inta badan mas’uuliyaddoodu ay sheegtan al shabab.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,519,011 unique visits Top