Q.M oo sheegtay in dhalinyarada Soomaalida ee heesata shaqo la’aanta ay sii kordhayaan
Shaqo la’aanta haysata dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay inay ku riixdo in wadanka ay isaga hayaamaan islamarkaana ay aadaan dhul shisheeye si noloshaan mid ka roon ay ugu helaan.
Qaramada Midoobay warbixin ay soo saartay ayaa waxaa la gu sheegay in cadadka dhalinyarada Soomaaliyeed ee heesata shaqo la,aanta ay sii kordhayaan ,iyadoo dhalinyarada inta badan dalka Soomaaliya ka dhoofeysa lagu sheegay da’dooda 67%14%29% oo dhanka wiilasha ah iyo 61%iyo74% oo hablaha ah.Abdiraxmaan Ahmed oo muwaadiin Soomaaliyeed ah da’diisuna ay tahay 28-sano jir Jaamicina ah ayaa mar uu ka hadlayay shaqo la’aanta dhalinyarada haysata uu isaga ka mid yahay waxa uu sheegay in iminka uu ka qalin jibiyay Jaamacad badalkeedana uu sugayay in ku intifaaco halgankii dheeraa uu soo maray ee u soo adkeystay in ilaa heer Jaamacadeed uu soo gaaro ugu danbeyna ka baxo.
Waxa uu sheegay Ahmed in wali uu yahay mid shaqo la’aan ah hamigii uu lahaana meesha uu ku burburay.waxa sidoo kale tilmaamay in hada uu diyaar u yahay in wadanka uu isaga tago islamarkaaana uu aado wadamo kale si ugu helo nolol dhaanta tan haatan Soomaali uu ku haysato.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa dalka isaga baxa iyaga oo ka cararay dhibaatada ka taagan Soomaaliya iyo shaqo la,aanta.