MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Idaacad ku hadasha Afka Militeriga Kenya oo Kismaayo laga dhagaysanayo ‘Maxey Tabinaysaa”
Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Kismaayo ayaa sheegaya in dadka Magaaladda ay dhagaysanayaan Idaacad ku hadasha Afka Militeriga Kenya.

Idaacadan ayaa waxaa lagu magacaabaa PEACE FM Waxaana ay tabinaysaa Barnaamij ku aadan xaalada amaanka Kismaayo.

Dadka deegaanka oo aan qaarkood lahadalnay ayaa inoo sheegay in Idaacada ay si toos ah utabinayso hadalo lagu amaanayo ciidamada Amisom iyo kuwa Kenya.

Idaacadan oo Muuqata in diyaarinteeda ay leeyihiin dad Soomaali ah ayaa sidoo kale siidaynaysa Heeso Wadani ah oo Soomaali ah.

‘Idaacada maalin kadib qabashadii Kismaayo ayay hawada soo gashay waxaana lagu soo cel celinayaa barnaamij dheer oo heeso wadani ah iyo Waraysiyo leh”ayuu sheegay goob jooge aan lahadalnay.



Waxaa Barnaamijka daadihinaya labo Wariye, sidoo kale waxaa lasiidaynayaa barnaamijyo diini ah.

Dad la rumaysan karo waxaa ay sheegeen in Idaacadan ay wataan ciidamada Militeriga Kenya.

Kismaayo ayaa horey waxaa looga dhagaysan jiray Idaacadii Andalus ee ku hadli jirtay Afka Kooxda Shabaab ee magaaladda laga saaray, waxaana badalay Idaacadan ay wataan militeriga Kenya.

NB: Waxaan isku dayi doonaa inaan macluumaad dheeraad ah ka helno waxa ay Idaacadaas tabinayso Insha Allah.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,560,127 unique visits Top