Wiil Kale uu Dhalay Hanuuniye oo Fanka ku soo biiray+Video.
Fanaankan ku cusub Fanka waxaa dhalay fanananka weyn Cabdalla Yusuf Hanuuniye, waxaana lagu magacaba Cawaale Yusuf Hanuuniye waxuuna ku magac dheeryahay (jordan).
Cawaale ayaa Fanka dhawaan ku soo biiray heestisa ugu horaysane waxaa u dhiibay abihiisa Hanuuniye, halka music uu u garacay walalkiis Bashiir Hanuuniye sido kale Cawaale ayaa leh codka iyo muuqaalka abihiisa Hanuuniye.
Hanuuniye waa fanaan weyn oo Fanka Soomalida lagu ixtiraaamo, waxuuna dhalay caruur gabdho iyo wiilal iskugu jiro balse xaga fanka waxaa ka qaatay wiilasha sida Bashiir oo ah wiil Music lagu tix galiyo iyo heesaha waloow aan la arkin gabar Hanuuniye dhalay oo fanka ku soo biirto.
Hadaba Akhristayaal Cawaale Hanuuniye ma noqon doonaa wiil sida abihiis caan ku noqdo fanka ama sida walakiis Bashiir Hanuuniye.