KAALMOY U CODEE
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Xildhibaanada Baarlamanka oo ku qulqulaya Iskoolo Bulusiyo oo lagu qabayo doorashada madaxweynaha dalka
Garoonka dayuuradaha aadan cadde ee magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Xalane oo talis u ah ciidamada AMISOM ayaa waxaa basas gaar ah looga qaaday Xildhibaano, Wariyeyaal iyo marti sharaf kala duwan oo halkaas ku soo aruuray, kuwaasoo la geeyey xarunta Iskoolo Buluusiyo oo saaka lagu qabanayo doorashada madaxaweynaha cusub ee dalka.

Xildhibaanada iyo dadka kale ee goob jooga ka noqonaya doorashada ayaa waxa loo sameeyey kaarar aqoonsi AH oo loogu talo galay in lagu galo xarunta Isoolo Buluusiyo oo doorashada ay ka dhaceyso goor dhow.

Doorashada maanta ayaa waxaa ka qeyb galaya goob joogayaal caalami ah oo kala socda dalalka beesha caalamka ee daneeya arimaha Somalia iyo ururada caalamiga ah si ay isha ugu hayaan qaabka dooraashadaas ay u dhaceyso, waxaana jawiga saaka uu yahay mid aad uga duwan kii hore.

Inkastoo doorashada madaxweynaha ay ka qeyb galayaan 24 musharax ayaa waxaa si weyn loo hadal hayaa iney codadka ugu badan heli doonaan dhowr musharax oo uu ku jiro madaxweynihii ugu dambeeyey ee dowlada KMG ah, Shariif Shiikh Axmed, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo rag kale oo aan ka liidan, waxaana dadweynuhu ay hadal hayaan qofka doorashada ku soo bixi doona iyagoo saadaal kala duwan bixinaya.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in codeynta iyo ku dhawaaqida natiijada ay isla maanta dhaceyso ayna doorashada si weyn ugu diyaar garoobeen, waxayna xuseen ilaa xalay ay shaqo adag hayeen oo aysan hurdo gama’ ka siin, iyagoo diyaarinayey howlo farsamo oo doorashada ku saabsan.

La soco wixii soo kordha insha allaah.
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,931,381 unique visits Top