(DAAWO SAWIRO) Markab kusoo xirtay dekeda Muqdisho kasoo la sheegay in uu horay u qalibmay.
Kulan ay ka soo qayb galeen Ganacsato Soomaaliyeed iyo Mas,uuliyiin ka tirsan Xakuumadda Waqtigeeda uu dhamaatay ee Soomaliya ayaa maanta waxa uu ka dhacy Gudaha Dekadda wayn ee Magaalada Muqdisho kulanka oo looga hadlayay sidii loo kaabi lahaa Ganacsatadii markabka daysan hantida u saarneed ee ku qalibmay badda kaasi oo iminka ku xiran gudaha Degeda Muqdhio.
Maxamuud C/kariin Gabeere oo ah Guddoomiayaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo kulanka ka hadlay ayaa waxaa uu Dowladda Soomaaliya ka Codsaday in ay kaabaan ganacsataan Soomaaliyeed ee hantida ka qasaartay si ay dib ugu soo naqdaan sida uu tilmaamay.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in Ganacsataan ay ka soo xarooto Dhaqwaalaha ugu badan ee laga helo Dekeda Muqdisho .
Wasiirka Ganacsiga ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeen Xakuumadda Waqtigeeda uu dhamaada ee Soomaaliya C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Qaliif oo isna Goobta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay wax xanuun badan aytahay in Hantidaada ay kaa qasaarto isagoona sheegay in ay iyana Dhibaatadan Ganacsatada Soomaaliyeed soo gaaray ay la wadaagaan .
Dhowr Bilood ka hor ayay ahayd Markii Markabka Daysan ee u Rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed uu biyo ka furtay kaa oo markii dambe Gacan ka helay Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Dowladda Cumaan