MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
6 ruux oo Kooxo hubeysan ay saaka iyo xalkey siyaabo kala duwan ugu toogtay xaafadaha Kismaayo
Ugu yaraan lix ruux ayaa xalay illaa saaka siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose, kuwaasoo dhamaantood ahaa dad shacab ah oo ka mid ahaa kuwa degenaa magaalada iskugu jiray haween iyo rag.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Kismaayo aya sheegaya in shan ka mid ah dadkaas oo ay ku jirtay haweeney xalay siyaabo kala duwan loogu dilay xaafadaha magaalada Kismaayo ka hor intii aaney magaalada baneynin xoogaga Al-Shabaab.

“Dadka ladilay anagu wax dilay oo sax ah ma heyno, hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in ay laayeen xoogagii Al-shabaab ee magaalada ka baxay ka dib markii lagu eedeeyeey iney jawaasiis u ahaayeen ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada Somalia” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dadka degaanka oo magaciisa ku soo koobay Cali Madaxey.

Sidoo kale, wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in saaka lagu dilay xaafada Suuqa xoolaha ee magaaladaas ka tirsan qof shacab ah ka dib markii ay rasaas ku fureen kooxo bastoolado ku hubeysan, lamana oga in falkaasi uu ahaa mid burcadnimo iyo in kale iyo sababta loo dilay ninkaasi, iyadoo boob iyo bililiqo xoogan ay boqolaal shacab ah ka wadaan Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ah ayaa mid maamul la’aan ah, xoogaga Al-shabaab wey ka baxeen, ciidamada huwanta ee hareeraha ka joogana weli gudaha uma gelin, waxaana magaalada ka taagan xaalad kacsan oo fowdo ah, dadkuna waxay is dhex yaacayaan jidadka iyagoo la yaaban isbedelka ka dhacay magaalada.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,519,761 unique visits Top