Deg Deg:- (Dhagayso) Madaxda Sar Sare Ee Maamulka Khaatumo State Oo Digniin Kama Dambays Ah U Diray Maamulka Puntland
Shir jaraa'id oo ay si wada jira u qabteen Madaxweynayaasha Maamulka Khaatumo State ee kala ah Madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac Halac (Indhasheel) iyo Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa waxa ay kaga hadleen faragelin ay sheegeen in Maamulka Puntland uu ku haya Deegaanada Maamulka Khaatumo,
iyagoona sheegay in Maamulka Khaatumo State uu san u dulqaadan doonin faragelinta uu ka wado Maamulka Puntland qaybo kamid Gobolada Sool iyo Cayn kadib markii ay Deegaanadaasi ay soo gaadheen mas'uul ka tirsan gudiga doorashooyinka Maamulka Puntland, kuwaas oo iyagu doonaya ayey yiraahdeen inay ka duubtaan filimo ay ku maxaabsadaan in Gobolada Sool, iyo Cayn ay ansixiyeen amaba taageereen axsaabta Maamulka Puntland uu u gudbi doono, waxa ayna digniin u jeediyeen madaxda Maamulkaas.
Sidoo kale Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo isna isla fakarkaasi ay ka siman yihiin Madaxweyne Indha sheel ayaa isna sheegay in Madax badan oo Maamulka Puntland ah ay Deegaanada Khaatumo iska yimaadeen balse taasi ay tahay dulqaad dhankooda ah, hadase wixii ka dambeeya uu san dulqaad dambe sii jiri doonin.
Isku soo wada duuboo shirkani sharaa'id ee ay sida wada jirka ah u qabteen Madaxweynayaasha Maamulka Khaatumo ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan ay qaybo kamid ah Gobolada Sool, iyo Cayn ay soo gaadheen mas'uuliyiin ka socota gudiga doorashooyinka Maamulka Puntland, kuwaas oo iyagu waday hawlaha tar tanka axsaabta badan ee Maamulka Puntland.