Axmed Madoobe oo shaaca ka qaaday in go,doominayaan magaalada kismaayo
Gudoomiyaha Ururka Raaskambooni Axmed Maxmad Islaam (Madoobe) ayaa sheegay nolosha ku qaban doonaan askarta udagaalamaysa ururka Al shabaab kaasi oo sheegay axmed madoobe inay ku hareeraysan yihiin kismaayo.
Waxa sargaalkaan hore uga mid ahaa al shabaab siyaasad awgeedna ku kala irdhoobeen ayaa tibaaxay inay ku dadaali doonaan la wareegista Kismaayo xitaa hadii la isku dayo in xabad lagala horyimaadana ay dagaalami doonaan.
“Waxan leeyahay hadii ay isleeyihiin shabaab waa difaacan kartaan kismaayo xaniinyihiina fuula waddooyinka ayaan xiraynaa,meel ay kabaxaan ha waayaane sidaa waxa yiri Axmed madoobe”.
Axmed Maxamed Islaam ayaa ka mid ah saraakiisha qoriga uqaatay sidii ay ula wareegi lahaayeen magaalada kismaayo ayaa ku hanjabay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ula wareegi doonaan magaaladaasi.
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa mudooyinkii dambe waxa ka taagnaa xiisado dagaal waxaana ciidamo huwan ah ay uhanqal taagayaan sidi ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaaladaasi.