KAALMOY U CODEE
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Somaliland oo soo dhawaysay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya
Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo uu ku sheegay inaanu midnimada Soomaaliyeed u mari doonin jujuub diblamaasiyadeed iyo mid awoodeed toona.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo xalay illaa maanta siyaabo kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha iyo ta dibedda, ayaa sheegay inay Somaliland soo dhawaynayso hadalka Madaxweynaha Soomaaliya uu kaga hadlay arrinta midnimada iyo sii waditaanka wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

“Marka hore waannu soo dhawaynaynaa hadalka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, mar labaadna waannu u hambalyeynaa waxaanannu u rejaynaynaa hawlaha hor yaalla inuu ku guulaystay. Hadalkii shalay ka soo yeedhay waxa ka muuqday ka fiirsasho iyo taxadir, wadahadalkiina in la sii wadaa waa arrin fiican oo aannu soo dhawaynayn.” Sidaa ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Cumar.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, waxa uu intaa sii raaciyey oo uu yiri; “Somaliland waxay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 21 sano ka hor, immikana waxay Somaliland samaysay horumar ballaadhan, la soo noqoshadaasina waxay ku salaysan tahay rabitaanka shacabka Somaliland.”

“Waxa ka dhexeeya xidhiidh, waxaannu damacsannahay inaannu iskaashi samayno, Madaxweynaha cusub waxa uu sheegay in ahmiyadda koowaad iyo labaad-ba uu siinayo xasilinta amniga ee Soomaaliya. Somaliland khibrad bay u leedahay………Midawgii hore halkii halkii laga hagayey waxay ahayd halkan. Wax badan oo faa’iido u leh Soomaaliya, Somaliland iyo Mandaqaddaba, ayaa dhex-mari doona.” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, mar uu ka hadlayey wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yiri; “Wadahadalladu waa kuwo ka yimi Soomaaliya iyo Somaliland oo labadoodu ay garteen iyo baaqii beesha caalamka ee shirkii London, wadahadallada Madaxweynihii hore waannu la bilawnay, Madaxweynaha hadda xilka qabtayna.”

“Waxa ka muuqatay miyir, ka fiirsasho iyo taxadir siyaasi ah oo loo baahan yahay, waana tallaabo wanaagsan, rabitaanka Somaliland-na waa mid shacabkeedu gaadheen oo aanay doodi ka furnayn, waxaanannu rejaynaynaa oo aannu ugu baaqaynaa dawladda Soomaaliya inay tixgelin siiso arrintaas, eegtana waxa tan ka weyn ee labada dal dhex-mari kara. Halka ay Somaliland ku socotaana waa inay ictiraaf buuxda beesha caalamka ka hesho.” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Prof: Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay lagu caleemo saaray Muqdisho, ayaa munaasibaddii caleemo-saarkiisa ka sheegay in arrinta midnimada Soomaaliyeed ay muhiim tahay, isla markaana dawladdiisu ka shaqayn doonto, hase ahaatee, aanay u mari doonin qaab qasab awoodeed iyo jujuub diblamaasiyadeed ku salaysan, uuna sii wadi doono wadahadalkii bishii June 2012 u bilaabmay dawladdii ku-meel-gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,947,808 unique visits Top