KAALMOY U CODEE
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Kulamo xasaasi ah oo Beesha Marexaan uga socday Gobolka Gedo oo so dhamay iyo baaq ay beeshu u dirtay Madaxweyne Xasan Sheikh.
Waxaa maalmihi ugu danbeay Dagmoyinka Gobolka Gedo ka socday Shirar is daba joog ah oo lago arinsanayay Marxalada cusub ee u wadanka Somalia galay iyo kalinta beeshan Marexaan ku yeelan karto Dowlada Cusub ee Somalia .


Shirarkaan oo ay ka so qaybgaleen Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka beesha Marexaan ayaa waxaa qadka telefoonka uga qayb qadanayay Siyaasiyiin iyo aqonyahano miisaan culus ku leh Somalia kuwaas oo ku nool qurbaha .

Qodobada ugu muhiimsanea ee Shirarkaan salka u ahaa ayaa waxaay ahayd in beesha Marexaan ay sanadkaan hesho R/wasaaraha Cusub ee Somalia maadama beesh Marexaan ay qayb weyn ka qadatay heerka maanta ay Somalia marayso hadi ay ahaan lahayd Maamul iyo Siyaasad iyo hadey ahan lahayd mid Ciidaan.

Dood dheer iyo Falanqayn beesha waxaay soo saartay baaqaan

Kadib Kulamo dhowr ah oo aan ku yeelanay Gobolka Gedo kuwaas oo ay khadka Telfoonka nogala soo qayb galeen Aqonyahano iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolada Jubboyinka iyo Gedo kuna nool qurbaha ayaa waxanu isla garanay in aan dirno baqaan hoose.

Beesha waxaay Madaxweynaha ugu baqaysa in uu R/wasaaraha Cusub ee Somalia uu ka yimaado dhankooda waxana taasi ku sababeynayna 3 arimood.

Waa mida kowaade beesha waxaay si xoogan uga qayb qaadatay Howlgaladi lagula dagalamayay kooxda Al-Shabaab isla markaana loga si feeyay inta badan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo, Gobolada dhexe ee Somalia iyo waliba Gobolka Banadir iyo Shabellada hoose ayado beesha ay Dagaaladaasi ku wayday 354 Askari oo ka kala tirsana Ciidamada Xoga Dalka Ciidamada Boliska iyo Ciidamada Maamulka Ahlusunna Waljamaca.



Beesha waxaay ku nooshahay Konfurta iyo Bartamaha Somalia oo ay ka jirto dhibaatada ugu badan Somalia Shaqsiga R/wasaaraha laga dhigayo wa in uu ka soo jeeda deegaanada maanta xalka u bahan si usan marnaba uga seexan wajibaadka kasaraan guud ahaan Somalia gaar ahaan dhulka ay ku nool yihiin waalidintiisa ee ay ka jirto dhibatada.

Beesha waxaay ka mid tahay beelaha Darood ee saami ahaan hela R/wasaaraha hadi ay wayaan Madaxweynaha, Beesha 22 ki sano ee ugu danbeyay xilal muuqda kamaysan qaban wadanka Somalia marka laga reebo 6 bilood oo ay ahayd R/wasaare lugaha lagu dhagan yahay balse dadaalay asago lagu dhaganyahay sababayna in uu soo celiyo rajada Ummada Somaliyeed sababna u ahaa in maanta Somalia heerka ay tagan tahay gaarto kana baxdo kmg .

Sida daraadeed Beesha Marexaan waxaay Madaxweynaha Cusub ee Somalia Mudane Xasan Sh. Maxamuud ugu baqaysa in R.wasaaraha Cusub ee Somalia uu ka soo xusho Gobolada ay ka jirto dhibatada Amaan la,aanta oo ay u badantahay Beesha Marexaan si xal logu helo goboladaasi iyo guud ahaan gayiga Somalia.



Anago og in Madaxweynaha ay beelaha qaar ku handadayaan in ay Somalia inteeda kale ka gosanayaan hadan lo magacaabin R/wasaraha Cusub ee Somalia ayaa waxaan Madaxweynaha u shegayna in aysan jirin cid muran galinkarta muqadasnimada Midnimada Somalia oo ay ku naf wayeen kumanan ka tirsan Ciidamada Xogga Dalka Somalia.

Ugu danbeyn Madaxweynaha waxaan u shegayna hadi uu u dabco cadaadiska uga imanaya qaar ka mid ah beelaha ee ah hadan lo magacaabin R/wasaraha Somalia in ay dowlada mucaaradi doonan, in beesha Marexaana qaadan doonto go,an adag oo ay uga jawabayso arinkaas kaas oo sameyn doona Gobolada Beesha Marexaan ay ka dagto wadanka Somalia ee kala ah Gobolada Jubboyinka iyo Gedo iyo Gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.

----------------------------------------------------------------

Gudomiyaha Gudiga Farsamada Shirka Beesh Marexaan

ee ka socda Gobolka Gedo Dr Maxamed Cabdi Cali

Email: Drali@yahooo.com

Garbaharey - Somalia

Comments
Render time: 0.04 seconds 4,943,150 unique visits Top