Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka UGUB Oo Rajo Wacan Ka Muujiyey Nidaamka Axsaabta Badan Ee Maamulka Puntland Uu U Gudbay
Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka UGUB ee dhowaan lagaga dhawaaqay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Maxamuud Siciid Nuur Dabayl ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay hirgelinta nidaamka xibiyada ku dhisan ee looga gudbayo nidaamkii wax qaybsiga beelaha ee ka jiray Maamulka Puntland 14-kii sano ee ugu dambeeyey.
Sidoo kale Gudoomiye Maxamuud Siciid Nuur Dabayl ayaa ka xog waramay waxa ku dhaliyey ka qayb gelida nimaadka cusub ee ku dhisan axsaabta badan ee loolan u galaysa hagida iyo u talinta Maamulka Puntland, isagoona gudoomiyuhu ka dhawaajiyey inuu hor uga soo tirsanaa gudida fidinta ama gaadhsiinta shacabka reer Puntland dastuurka cusub uu samaystay Maamulka Puntland. Hadaba waraysigaas oo dhamaystiran halkan hoose ka dhagayso.