Balcad: Dibad bax looga soo horjeeda Maamulka Balcad oo halkaasi ka dhacay.
Banaan bax ay dadweyne faro badan ka soo qabgaleen ayaa manta ka dhacay magaalada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe.
Banaanbaxan ayaa la sheegay in looga soo horjeeday maamulka degmada Balcad, xilli khilaaf uu u dhaxeeyo maamulka Balcad iyo kan gobolka.
Daaud Xaaji Ciro oo ah Afhayeenka Maamulka dowladda Soomaaliya Ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegey in Maanta uu ka dhacay Degmada Balcad Banaabax looga soo horjeedo Maamulka Degmada Balcad.
Afhayeenka ayaa sheegey in banaanbaxa uu ka dambeeyey kadib markii Gudoomiyaha degmadaasi iyo ciidamao la socda ay gudaha Degmadaasi soo dhigteyn Bar kontorool oo lacago looga qaadayo Gaadiidka Xarumaha gacansigana ay ku soo rogeyn Lacago ayan ka warqabin Maamulka gooblka Sh.dhexe
Daaud Xaaji Ciro ayaa sheegey in gudoomiyaha iyo ciidanka la socdey ay dib u soo celiyeen isbaarooyin dhawaan mamaulka gobolka Sh.dhexe uu ku guuleestey iney qaadeyn.
Afhayeenka ayaa intaasi ku darey in Gudoomiyaha degmada balcad iyo ciidanka la socdo markii ay la hadleyn uu ka soo horjeestey inuu qaado bartaasi konotool ee lacagaha looga qaado Gaadiidka.