(DAAWO SAWIRO) Madaxweyne Xasan Sh. oo si aan caadi aheyn loo soo dhoweeyay dalka Turkiga
Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga Xassan Sheekh Maxamuud iyo Cabdalla Guul ayaa waxa ay si aad ah uga hadleen intii ay kulanka kulahaayen casimada Turkiga ee Ankara qaabka Soomaaliya ay mar labaad shaashadaca caalamka uga soo muuqan laheyd kadib in kabadan labaatan sano oo dhibaata kataagneed.
Waxa ay isla afgarteen in lasameeyo wax kasta oo Soomaliya sumcadeedii iyo karaamaheedii ay dib ugu soo ceshaneyso, oo ay ugu horeyso wax ka qabashada arimaha amaanka, si dalku uu u noqdo dal logu dhiiran karoo oo maal gelin lagu sameyn karo.
Madaxweynah Soomaaliya oo saxaafada lahadlay kulanka kadib ayaa waxa uu sheegay in dhigiisa ay kawada hadleen iskashiga labada dal isga oo mahad celinna u jeediyay dowlada Turkiga oo uu sheegay in ay tahay dowlad abaal kuleh Soomaaliya