Haweeney Sun Cabtay, Markii loo sheegay in la furaayo. (DHacdo Galabta Muqdisho ka dhacdey
Dhacdo la yaab leh ayaa galabta ka dhacdey magaalada Muqdisho, kadib markii haweeney xaas ah ay sun cabtay, taasi oo noqotay arrin si weyn loo hadal hayo, dadka badankiisna ay aad ula yaabeen.
Haweeney magaceeda lagu soo koobay Qamar, kana mid ah dadka ku nool degmada Kaaraan ayaa galabta laga war helay in ay sun cabtay, iyadoo wararka ay sheegayaan in arrintani ay ku dhaqaaqdey, kadib markii seygeeda uu ku wargeliyay in uu furayo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in aysan horey uga war qabin khilaaf ka dhex taagan qoyska, ayna hadda uun ka war heleen dhacdadan.
Haweeneydan oo aan dhiman, hadana aan nooleyn ayaa loola cararay isbitaalka Keysaney, si wax looga qabto xaaladeeda.
Waa qofkii sedexaad ilaa inta laga war hayo labaatan maalmood gudahood hal degmo lagu arko haween sun cabaya, kuwaasi oo ku cusub meelo magaalada ka mid ah.