Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in dhalinyarada kujira Ururka Al-Shabaab looga baahan yahay inay joojiyaan dagaalka islamarkaana dowladda Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan.
Isaga oo ka hadlaya qorshihiisa dowladda cusub ee Soomaaliya kaga aadan ajaanibta Ururka Al-Shabaab ka barbar dagaalanta ayaa wuxuu sheegay in ajaanibtaasi aysan laheyn wax wada hadal ah.
“Arinta kaliya ee aan ku kala badbaadi karno waxa weeye inay dalka isaga baxaan nimankaas ajaanibta ah ee dalkeena Soomaaliya kujiraan waa inay isaga baxaan dalka taas ayaan ku kala badbaadi karnaa”
Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dhalinyarada ku jira Uruka Al-Shabaab inay ka waantoobaan dagaalada qeybna ka noqdaan dowladda cusub ee dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday Maxaabiista la sii daayo xilliyada munaasabadaha Ciidaha, iyo maalmaha Xornimada, isagoo xusay in hada iyo wixii ka dambeeya aanay dhici doonin in qof dambi leh in cafis Madaxweyne lagu sii daayo.
Waa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya uu ka hadlo qorshihiisa ku aadan Ururka Al-Shabaab.