Madaxweynaha Cusub oo Berri la Caleema Saari Doono iyo Qaban Qaabada oo Socota(live uga daawo saafifilms)
Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemaayaa qaban qaabada caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Proff. Xassan Sheekh Maxamuud taasi oo dhacaysa maalinta berri ee Axadda ah.
waxey saafifilms ay u balan qaadeysaa in aqristayaasheeda iyo daawada yaasheeda in ay si hagar la'aan ah ay ugu soo tabiso maalinta beri ah dhanka kale xil wareejinta oo loo badinaayo in ay ka dhacdo gudaha garoonka diyaaradaha ama goobtii Madaxweynaha lagu doortay ee dugsiga Gen. Kaahiye ayaa qaban qaabadeeda waxaa laga dareemaayaa guud ahaanba magaalada Muqdisho.
Caleema saarka Madaxweynaha cusub ayaa waxaa kasoo qayb gali doona masuuliyiin kala duwan oo heer caalami ah kuwaasi oo goob joog ka ahaan doona munaasabadda xil wareejinta ah.
Madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo xilka haayey muddo 3-sano iyo 7-bilood ah ayaa xilka ku wareejin doona Madaxweynaha cusub ee Xassan Sheekh Maxamuud oo Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay 10-kii bishaan.
Madaxweyne Xassan ayaa marka uu xilka la wareego waxaa laga sugaayaa in uu soo magcaabo Raysal wasaare cusub kaasi oo isna soo dhisa Xukuumad tayo leh.
Madaxweynaha cusub ee dalka Proff. Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maal mahii lasoo dhaafay waxaa ku jiray kulamo la tashiyo ah kuwaasi oo ku aadan masuulka ugu haboon ee uu ka dhigi karo Raysal wasaaraha dalka.