Kenya oo ka Hadashay Dagaaladii Ugu Dambeeyey ee ka Dhacay Gobolka Jubbada Hoose
Dowladda Kenya ayaa ka hadashay isla markaana guulo ka sheegatay dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.
Afhayeenka Ciidamada Kenya Cyrus Oguna ayaa sheegay in ay qarka u saaran yihiin qabsashada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose isaga oo sheegay in hadda gacantooda ay ku jiraan deegaano ku teedsan Kismaayo oo uu kamid yahay deegaanka Biibi oo ay shalay la wareegeen.
Cyrus Oguna waxa uu sheegay in aysan jirin caqabad ka hortaagan qabsashada Kismaayo isagoo sidoo kale sheegay in dagaalkii Al shabab ay kula galeen deegaanka Biibi ay ku dileen in ka badan saddex katirsan dagaalyahanada Al shaabab, dhankooduna waxa uu sheegay in saddex askari oo Soomaali ah ay kaga dhaawacantay dagaalkii shalay.
Dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Muqdisho ee ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM kula wareegeen deegaanka Biibi waxa uu kamid ahaa dagaalada ugu xooggan ee gobolka ka dhaca waxaana ka qayb qaatay diyaaradaha dagaalka Kenya.
Dhanka Al shabaab ayaa war laga soo saaray dagaalkaasi waxaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ee AMISOM ay dagaalka uga dileen askar badan sida ay hadalka u dhigeen Al shabaab.
Wararka maanta naga soo gaaraaya gobolka Jubbada Hoose ayaa soo sheegaaya in xaaladdu ka deggan tahay sidii hore walow ay jiraan dhaq dhaqaaqyo iyo xiisado dagaal oo weli laga dareemaaayo magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku teedsan.