MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Guddi cusub loo magacaabay cunaqabateynta hubak ee saaran Soomaaliya iyo kuwii hore oo la kaal diray
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday inay xil ka qaadis ku sameeyeen Guddihii hore ee u qaabilsanaa cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya {Monitoring Group}, sidoo kalena waxaa la magacaabay Guddi kale oo la socda cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo la sheegay in xubihii hore lagu eedeeyay arrimo la sheegay musuqmaasuq ay ku sameeyeen la socoshada cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha la bedelay oo uu Guddoomiye u ahaa Matt Bryden ay soo shaqeynayeen muddo 13—bilood ah oo u dhiganta halsano iyo hal-bil, kuwaas oo si gaar ah u qaabilsanaa la socoshada cunaqabateynta hubka ee saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritrea, waxaana qoraalka lagu sheegay in xubnihii hore ay ka koobnaayeen 8-xubnood oo wadamo kala duwan u dhashay.

Sidoo kale warka ayaa waxaa lagu sheegay in xubnahan bedelkooda uu yimid ka dib markii lagu helay warbixino been abuur ah oo ay Golaha Ammaanka u gudbiyeen, wuxuuna warku intaasi ku darayaa in baaritaan dheeri ah lagu sameyn doono warbixino kale oo ay horay u gudbiyeen intii ay xilka hayeen, warbixinadaasi oo horyaala Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo iyaguna Guddi kale oo gaar ah u saaray arrinkaasi.

Xubnaha cusub ee bedelay Guddigii hore ayaa waxaa lagu sheegay inay yihiin rag aqoonyano ah, isla markaasna ay ka koobanyihiin 10-xubnood oo uu mid kastaa heysto takhasus u gaar ah oo midba kan kale uusan la wadaagin sida lagu sheegay warbixinta Golaha Ammaanka ka soo baxay, waxayna magacyadoodu kala yihiin sida tan:-

Xiriiriyaha Guddiga ayaa loo magacaabay nin u dhashay dalka Kanada oo lagu magacaabo Jarat Chopra, Mr. Babatunde Taiwo oo u dhashay dalka Nigeria, Mr. Jorg Roofthooft oo u dhashay dalka Belgium-ka, Mss. Kristèle Younes oo u dhalatay dalka Lubnaan, Mss. Jeanine Lee Brudenell oo u dhalatay dalka Mareykanka, sidoo kale waxaa jira afar xubnood oo kale oo iyaguna loo magacaabay arrimaha dalka Eritrea, waxayna magacyadoodu kala yihiin sida tan:- Mr. Emmanuel Deisser oo u dhashay dalka Belgium-ka, Mr. Aurelien Llorca oo u dhashay dalka Faransiiska iyo Mr. Dinesh Mahtani oo u dhashay dalka Ingiriiska iyo Northern Ireland.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,540,068 unique visits Top