Saxafiyiinta ku sugan Somaliland oo cambaareeyey dilka loo geystay Wariye Axmed Sakin
Wariyeyaasha ku sugan deegaanada maamulka Somaliland ka arimiyo ayaa si kulul ucambaareeyey falkii xalay kooxo hubeysan ku dileen allaha unaxariistee Axmed Sakin Farax oo ahaa wakiil wareedkii Tv-ga Universal magaalada Laascaanood.
Wariye Axmed Sakin ayaa la sheegay in dabley hubeysan ay toogteen xilli uu kusugnaa bartamad magaalada laascaanood iyadoona saxafiyiinta somaliland ka howlgasha falkaasi wuxuushnimada ah ay cambaareyn dusha uga tuureen dhagar qabayaasha dilay wariyaha.
Wariyeyaal katirsan ama ka howlgala warbaahinta kala duwan kuna sugan Somaliland ayaa si kulul uga hadlay dilka saaxiibkood axmed sakin faarax loogeystay iyagoona maamulka magaalada laascaanood ay ka codsadeen in maxkamad la horkeeno kooxihii dilay wariye Sakin.
Dilalka ka dhaca somalia ayaa mudooyinkii dambe waxa uu ahaa mid joogto udhacayey gaar ahaan kuwa saxafiiyinta lagu bartilmaameedsado xilli wariyeyaal badan lagu dilay sanadkaan somaliya.