MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Masar oo markale ka hadashay arrimaha Soomaaliya, sheegtayna inay ka taageerayso
Wasiirka beeraha ee dalka Masar oo kulan la qaatay shalay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ayaa sheegay in dowladdiisu ay go’aansatay in Soomaaliya ka soo dhoofsato hilibka iyo xoolaha nool, wuxuuna intaasi ku daray in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan tababarada la xiriira dhinaca caafimaadka xoolaha, ayna u dirayaan dhaqaatiir arrinkaasi taqasusus ku leh.

Wasiirka beeraha Masar waxaa kale oo uu sheegay inay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Masar inay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, beeraha iyo wax soo saarka noocyadiisa kala duwan, isla markaasna ay Masar diyaar u tahay in wixii looga baahdo oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya inay bixin-doonto, wuxuuna intaasi ku daray inuu horay u jiray dowladdii hore iyo Masar oo ku saabsan dhinacyada beeraha iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhinaca kale dowladda Sacuudiga ayaa ugu hambalyeysan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud munaasabadda 21-ka Oktoober oo ay sheegtay inay tahay maalin ku weyn dadka Soomaaliyeed, waxayna intaasi ku dartay in maalintaasi ay tahay maalin xusuus gaar ah u leh ummadda Soomaaliyeed, waxayna sheegeen inay soo dhaweynayaan isbedelka ka dhacay dalka Soomaaliya.

Shalay ayey ku beegnayd 21-kii Octobber oo aheyd maalintii ay xukunka dalka si afgembi aan dhiig ku daadan kula wareegeen ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed, ka dib markii lix-maalin ka hor la toogtay Madaxweynihii Soomaaliya C/rashiid Cali Sharma’arke xilli uu booqasho ku marayey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo uu ku toogtay mid ka mid ah askartiisii gaarka u aheyd.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,575,565 unique visits Top