KAALMOY U CODEE
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Wiil dhalinyaro ah oo caawa lagu dilay magaalada Marka
Sida uu sheegay masu’uul ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose, kooxo hubeysan aan heybtooda la garan ayaan caawa magaalo xeebeedka Marka ku toogtay wiil dhalinyaro ah.

Dad deegaanka ayaa magaca wiilka la dilay ku soo goobay Miikaa’iil.

Guddoomiye ku xigeena dhinaca aminiga ee maamulka gobolka Shabeelada Hoose Axmed Cumar Mudan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka caawa ka dhacay magaalaasi.

Dilka kadib ayaa waxaa la sheegay in kooxihii dilka gaystay ay ka baxsadeen goobta.

“Aad iyo aad uga xunnahay dilka loo geystay wiilkaasi dhalinyarada ah, wiilkaasi waxa uu ku xirnaa xabsiga magaalada Marka markii ay al Shabaab ka taliyeen, hasa yeeshee ciidama dowlada ayaa kasii daayay” ayuu yiri mas’uulkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu intaasi ku daray in wiilka la dilay uu ahaa qof aad u soo dhaweeyay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM marka ay galeen Marka todobaadyo ka hor.

Waxaana uu ku eedeeyay koox al Shabaab in ay ka dambeesay dilka wiilkaasi, balse ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka ilaa iyo hadda.

Dilkani ayaa imaanaya xilli maanta magaalada Marka ay ka dhaceen dibadbaxyo ka dhan ah ciidamda dowlada Soomaaliya xilli maalin ka hor askari ka tirsan ciidamada uu kufsaday gabar daganeyd Marka.
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,949,789 unique visits Top