Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|
      
|
Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo AMISOM iyo alshabaab oo dharkenley ka dhacay |
|
agaal dhex maray Ciidamada Dowladda Somalia oo garabsanaaya kuwa AMISOM iyo Alshabaab oo dhinac ah ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Xoosh Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir
Dagaalka ayaa bilowday saqdii Dhexe Xili xili gabi ahaan laga hurdaayay Magaalada Muqdisho waxaana leysu adeegsaday Hubka waaweyn Noocyadiisa kala duwan
Nasir C/llahi oo kamid ah dhalinyarada xaafadaasi kunool ayaa shabakadda u sheegay in dagaalku uu dhacay kadib Markii ay Ciidamo ka Tirsan Al-Shabaab ay Weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidamadu ku leeyihiin xaafada Xoosh iyo Agagaarka Deegaanka Kaxda Halkaana uu ka dhacay iska hor imaad qaatay ugu yaraan Nus saac
Waxaa saakay Xaafadaasi ka socda baaritaano lagu baadi goobaayo dadkii geestay falka weerarka ah wallow aysan Jirin cid ka faalootay Khasaaraha kasoo gaaray weerarkaasi Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM
Weerarka gaadmada ah ee lagu soo qaaday Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa qeyb ka ah Weeraro maalmahaani ay geysanayen Kooxda Alshabaab oo looga itaal roonaday dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Dowladda |
|