Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|
      
|
(DAAWO VIDEO) Dr Gaas iyo C/Qadir Cosoble oo Tanaasulay iyo Wareegii sadexaad oo loo gudbay |
|
Xildhibaan Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay musharaxinadiisii sidoo kalana waxaa iscasilay C/Qadir Osoble.
Labadan Musharax ayaa utanaasulay in tartanka uu fududaado waxaana isugu soo haray musharax Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sh Maxamuud.
Dr Gaas ayaa sheegay in codkiisa uu ugu tanaasulay si isbadal uu udhaco waxaana uu si siyaayadeysan codkiisa ugu biiriyay Xasan Sh Maxamuud.
C/Qadir Cosoble ayaa isagana sheegay in uu utanaasulay si ay howsha uyaraato mana uusan carabaabin cid gaar ah.
Wareega labaad ayaa haatan bilowday waxaana xildhibaanadda ay ucodeynayaan labada musharax ee Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sh Maxamuud.
|
|