Labadan Musharax ayaa horey u sameestay xulufo waxaana laga yaabaa sida Warar hoose hada ku heleyno in labada Musharax iskugu shubaan si meesha looga Saaro Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee labadaas dhinac u arkaan Caqabad.
Wararka qaar aan heleyno ayaa sheegaya in Cabdi Wali Gaas laga yaabo in Wareega labaad uu ka tanaasulo Codadkiisana uu Siiyo Musharax Xasan Sheekh Halka Warar kalana sheegayaan in gaas uu Tartamayo wareega labaad hadii uu harana uu Codadkiisa ugu sii dari doono Xasan Sheekh.
Sheekh Shariif Sheekh AXmed ayey hada xaalada ku xun tahay waxaana aad usoo yaraanaya rajadiisa maadaama wareega koowaad Tiro aad u yar uu ka horeeyay Xasan Sheekh ,lamana oga in Sheekh Shariif Xubnihii kale ee haray xulafeesi la sameyn doono si Codadkooda ugu badbaado.
Musharaxa kale ee Afaraad C/Qadair Cosoble ayaana dab yar shideyn lamana oga in uu isna tanaasulayo ama in uu Doorshadaa kasii qeyb gali doono walina lama oga Cida ay xulufo yihiin inkastoo Wararka qaar sheegayaan in xasan Sheekh Maxamuud isku dhaw yihiin.