Dadweynaha ku dhaqan Hargeysa oo isugu soo baxay muxaadarada Sh. Kenyawi

Sh. Maxamed Sh. Ibrahim Kenyawi oo sidaynu lawada soconay socdaal diimeed kumarayey  Somaliland ayaa maalmihii uu joogay kulamo kaladuwan  layeeshay dadwaynaha ku dhaqan magaalada Hargaysa.

Masaajidka Cali Mataan ee kuyaalla bartamaha magaalada Hargaysa ahna masjidka ugu dadka badan ayuu Sh. Kenyawi  kajeediyey muxaadaro aad usoo jiidatay kasoo qaybgalayaashii  taasoo uu kaga hadlayey dulmiga iyo raadadka xun ee uu leeyahay.

Iyadoo si aad ah loo soo buuxdhaafiyey masjidka iyo agagaarkiisa ayaa weliba dadku kadhegaysanayeen dhismooyinka ku dhow masjidka.

Exit mobile version