Home » Latest news update » War deg deg ah: Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo miino ay la kacday

War deg deg ah: Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo miino ay la kacday

A land mine explosion has killed passengers of a car in Somalia hours after the troubled nation’s president declared a new waragainst the al-Shabab armed group.

The minibus was travelling in the southern Lower Shebelle region on Thursday when it ran over the explosive device near the village of Balcad, about 30km from the capital Mogadishu in an area contested between al-Shabab and government and African Union troops.

———–

Gaari ay la socdeen dad shacab ah ayaa waxay goor dhow miino kula qaraxday meel ku dhow degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Warka ayaa intaa ku daraya in gaarigaan oo noociisu ahaa caasi ama Homey uu saaka ka ambabaxay degmada Afgooye kuna sii socday degmada Balcad, waxaana miino loo malaynayo iney dhulka aasneyd ay kula qaraxday tuulada Daniga oo ku taalla wadada isku xirta Balcad iyo Afgooye.

Haween ka ganacsada Cawska iyo shacab kale ayaa la socday gaariga qaraxu uu haleelay, waxaana dad goob joogayaal ah ay sheegayaan in dadkii la socday gaarigan intooda badan ay ku dhinteen.

Masuuliyiin iyo ciidamo ka tirsan maamulka degmada Balcad ayaa la sheegay inay ku sii jeedaan goobta mashaqadan ay ka dhacday ee dadka rayidka ah ku dhamaadeen iyagoo u gurmaya dadka waxyeeladu ay soo gaartay.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco boggan Insha Allaah