Latest news updateWarkii Universal Tv

Tartan orod ah oo aad u qurux badan oo Muqdisho lagu qabtay

Tartan orod ah oo aad u qurux badan oo Muqdisho lagu qabtay

Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Maamulka Gobolka Benaadir iyo Xiirirka Olympikada Soomaaliyed ayaa waxey maanta si rasmi ah u fareen tartan oroda ah oo lagu maamuusaaye 6-da April oo ah maalinta caalamiga ah ee Ciyaaraha iyo Nabadda aduunka iyo sidoo kale maalinta Ciyaartoyda Soomaaliyed waxaana furitaanka tartankani oo goob joog ka aha Orodyahanka Soomaaliyed ee Cabdi Bile Cabdi.

Illaa 357 dhalinyara ah oo matalaye 17ka Degmo ee Gobolka Benaadir iyo xirrirka Olympikasa ayaa ka qeyb galay tartankani iyagoo ordayay masaafa gaareysa 3Kiilo mitir oo isku xirta Isgosyada KM4 iyo Daljirka Dahsoon waxaana kaalinta koowaad ku guuleystay Orodyan Cali Iidow Xasan oo ka mid ahaa dhalinyarada maanta ka qeyb gashay Tartanka Muqdisho Mini Maradon.

Orordyahanka Soomaaliyed ee Cabdi Bile Cabdi oo ah shaqsigii ugu horeeyay ee isagoo matalaya magaca Soomaaliya ku guulestay tartanka ororada aduunka xiliyadii berisamaadkii ayaa waxa uu tilmaamay in dhalinyarada ay mudan yihiin garab istaag dhab ah.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlada Soomaaliyed Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in tartankani oo qeyb ka yahay barnaamijyada ay wasaarada ku dhiirigalineyso nabadda iyo ciyaaraha.

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng: Yarisow) ayaa isna  sheegay in horumarka iyo xasiloonida ay ku jirto gacanta umuda Soomaaliyed loona baahan yahay in qofkaste uu qaato doorkiisa.

Dhowr iyo labaatan sano kadib waa markii ugu horeysay oo tartankani lagu qabto magaalada Muqdisho iyadoo tartankani oo qeyb ka yahay dhiiragalinta isdhaxgalka bulshada iyo ciyaaraha.

Tartan orod ah oo aad u qurux badan oo Muqdisho lagu qabtay

 For the latest news update please visit Saafifilms.com For more entertainment visit Saafistudio.com

Back to top button