Home » Latest news update » Sawiro: Ninka ugu da’da weyn oo taga xajka abid oo la soo dhoweeyay

Sawiro: Ninka ugu da’da weyn oo taga xajka abid oo la soo dhoweeyay

Sawiro: Ninka ugu da’da weyn oo taga xajka abid oo sacuudiga lagu soo dhoweeyay

Nin la sheegay inuu yahay qofka ugu da’ weyn abid ee xaj u taga magaalooyinka Barakeysan ee Sacuudiga ayaa sanadkan ka mid noqday dadka gudanaya waajibaadka Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Ohi Aidros Samri oo ah 130 jir ka soo jeeda dalka Indonesia ayaa isaga iyo xubnaha qoyskiisa ee la socda lagu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor C/casiis magaalada Jeddah, sida ay shaacisay wakaaladda Wararka ee Sacuudiga

Related: Muslims Around the World Celebrate Eid al-Adha as Hajj Enters Final Days

Sawiro: Ninka ugu da’da weyn oo taga xajka abid oo la soo dhoweeyay

Waxaa xaajigan soo dhoweyntiisa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Xajka Sacuudiga oo guddoonsiiyey hadiyado loogu talogalay, waxaana la sheegay inuu taariikhda ku galay qofkii ugu da’weynaa ee xajka taga inta la ogyahay.

Ninkan ayaa iskoorka qofka ugu da’da weyn ee xajka taga kala wareegaya Ibu Mariah Marghani oo ah haweeney ka soo jeeda isla dalka Indonesia taasoo sanadkii 2017 gudatay waajibaadka Xajka.

Halkan hoose kadaawo sawirada laga soo qaaday soo dhoweyntii loo sameeyay ninka ugu da’da weyn oo taga xajka abid.Sawiro: Ninka ugu da'da weyn oo taga xajka abid oo la soo dhoweeyay Sawiro: Ninka ugu da'da weyn oo taga xajka abid oo la soo dhoweeyay

Sidoo kale sanadkan waxaa xajka u amba baxay Soomaali badan oo la filayo in ay soo gutaan waajibaadkooda xajka waxaa si heer sare usoo diyaarisay dowlada Federalka Soomaaliya.

Waxaa xujeyda lagu qaaday diyaarad aad u weyn oo ay leedahay Ethiopian Airlines taasoo aan nooceeda horay loogu arag garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade isla markaan duulimaad toos ah oo qaadanaya laba saac oo kaliya ay ku qaadatay xujeyda halka markii hore ay meelo badan oo transit ah sii mari jireen iyagoo weliba ku duulaya diyaarado yar yar.

Xujeyda ayaa sidoo kale ka caban jiray in qaarkood laga reebo safarkii ay isku soo diyaariyeen maadaama diyaaradaha ay ku dhoofayeen uu nidaamkooda liitay.