Latest news updateWarkii Universal Tv

Qarax lala beegsaday Ciidamada xasilinta oo Muqdisho ka dhacay & khasaare ka dhashay

Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ayaa maanta lagu qarxiyey Magaalada Muqdisho, waxaana soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxan oo loo adeegsaday miino la geliyey wadada dhinaceeda ayaa ka dhacay Nawaaxiga Fagaaraha Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxa lala helay gaari ay la socdeen ciidamada xasilinta oo marayey wadada, waxaana ka dhashay khasaare nafeed iyo burbur  soo gaaray gaariga.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada xasilinta ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay qaraxaas, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dad goobtaas ku dhowaa.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowlada Somalia ayaa halkaas gaaray iyagoo ka sameeyey baaritaano inkastoo aysan jirin cid ay u soo qabteen qaraxaas.

Ma jiro war ka soo baxay laamaaha amaanka dowlada Somalia oo ku saabsan qaraxan dhimashada dhaawaca sababay oo la aaminsan yahay iney ka dambeyso kooxda Al-shabaab.

Back to top button