Dhacdo, Yaab & Barnaamij.

Qaramada Midoobay, AMISOM, IGAD, Midowga Yurub oo u hambalyeeyay Axmed Madoobe.

Mogadishu, 18 August 15: The United Nations, the African Union Mission in Somalia (AMISOM), the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), the European Union (EU) and the United Kingdom congratulated Sheikh Ahmed Mohamed Islam “Madobe” on his election as the President of the Interim Jubba Administration (IJA) on 15 August.

“We congratulate Sheikh Ahmed Mohamed Islam “Madobe” on being elected President of the Interim Jubba Administration by the Jubba Regional Assembly. We commend H.E. Madobe’s commitment to work earnestly with the committee formed by Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke to address the composition of the IJA Regional Assembly and we encourage him to take steps to resolve this issue at the earliest in an inclusive manner.

We welcome H.E. Madobe’s support for the outcomes of the High Level Partnership Forum as well as for United Nations Security Council Resolution 2232 (2015).

We encourage H.E. Madobe, the IJA and the Federal Government of Somalia to work closely with other Somali stakeholders to hold constructive dialogue on the state formation process and the electoral process for 2016.

We commend the IJA for their commitment to work in close coordination and collaboration with the Somali National Army and AMISOM to liberate the remaining territories under the IJA’s administration from Al-Shabaab and extend state authority.

We note that international partners will continue efforts at mobilising resources through existing mechanisms with a view to supporting the delivery of basic services to the population of these areas and building the capacity of the IJA.”

ENDS

====

WARSAXAAFADEED WADAJIR AH: Qaramada Midoobay, AMISOM, IGAD, Midowga Yurub, iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) oo Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ugu hambalyeeyay doorashada Madaxtinimada.

Muqdisho, 18 Agoosto 15: Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) ayaa ugu hambalyeeyay Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” doorashadii dhacday 15kii Agoosto ee loogu doortay Madaxweynaha Maamulka Ku-Meelgaarka ee Jubba (IJA).

“Waxaan Sheekh Axmed Maxamed Islam “Madoobe” ugu hambalyeeynaynaa doorashadii Golaha Baarlamaanka ee Jubba ugu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Kumeelgaarka ee Jubba. Waxaan bogaadinaynaa sida Mudane Madoobe ay uga go’antahay inuu si dhab ah ula shaqeeyo guddigii uu dhisay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke si xal loogu helo qaab dhismeedka Golaha Baarlamaanka ee Maamulka Ku-Meelgarka ee Jubba waxaana ku dhiirrigelinaynaa (Mudane Madoobe) in arrintan sida ugu dhakhsiyaha badan loo xalliyo iyadoo loo marayo qaab loo wada dhanyahay.

Waxaan soo dhoweynaynaa taageerada uu Mudane Madoobe u muujiyay natiijadii ka soo baxday (shirkii) Madasha Wadatashiga Heerka Sare iyo weliba Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232 (2015).

Waxaan ku dhiirigelinaynaa Mudane Madoobe, Maamulka Kumeelgaarka ee Jubba iyo Dowladda Federaalka inay si dhow ula shaqeeyaan Soomaalida inteeda kale ee ay arritu khusayso si wadahadal wax dhisaya looga yeesho hanaanka maamul dhisidda iyo hanaanka doorasho ee 2016.

Waxaan Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba ku ammaanaynaa sida ay uga go’antahay inay si dhow ula shaqeeyaan iskaashina la yeeshaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM si loo xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacanta Al-Shabaab loona baahiyo Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba.  

Waxaan garowsanahay in saaxiibada caalamku ay sii wadi doonaan dadaalka loogu jiro dhaqaale ururinta iyadoo loo marayo nidaamyada hadda jira si loo taageero adeegyada asaasiga ah oo la gaarsiiyo dadka ku nool gobolladan lana dhiso tayada Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba.”

Dhamaad

Back to top button