Latest news update

International partners look forward to further political progress

Mogadishu, 3 August 2015 –  The United Nations, Inter-Governmental Authority on Development (IGAD), the European Union (EU), African Union Mission in Somalia (AMISOM), the United States of America and the United Kingdom welcome the commitments made at the High-Level Partnership Forum (HLPF) in Mogadishu. Thirty-two delegations attended this landmark event, making it the largest international conference to take place in Somalia in decades.
 
“We congratulate the Federal Government of Somalia for this successful event. We commend the commitments made at the High-Level Partnership Forum to deliver a transparent and inclusive electoral process in 2016, strengthen security, and to accelerate the delivery of concrete results to the people of Somalia. We also note the important provisions of United Nations Security Council Resolution 2232 (2015) on the importance of no extension of the constitutionally mandated terms for the executive or legislative branches.
 
We recognise that universal ‘one person, one vote’ elections for 2016 are not possible, but must be achieved in the next cycle. The commitment to start immediately a national consultation to agree to an electoral process for a timely transfer of public office in 2016 is a positive step. We also agree that the 2016 electoral process, based on inclusive consultations in the coming months, must represent an improvement on the 2012 process and be a steppingstone toward universal ‘one person, one vote’ elections.
 
We reaffirm the importance of the ten Guiding Principles for an electoral process in 2016, which were agreed to at the HLPF.
 
We note that many commitments have been made and deadlines agreed for the coming year. Somalia’s international partners will follow progress closely and will make decisive efforts to help Somalis meet these deadlines. Most immediately, we welcome the commitment to finalise by 15 August a detailed Action Plan for the national consultations on the 2016 electoral process. The Action Plan should reflect the views of all stakeholders, in particular the Federal Parliament and the authorities in all the regional administrations. We urge all parties to engage seriously and urgently in finalising this work and then to play a full role in the national consultative process.
 
Somalia’s international partners stated their resolve to the timely implementation of the commitments taken and agreements reached and to continue to support the goal of a united, federal and democratic Somalia, at peace with itself and the rest of the world.

Ends

Saaxiibada caalamka oo ka dhur-sugaya in horumar siyaasadeed oo dheeraada ah lala yimaado kadib markuu dhamaaday shirkii Madasha Wadatashiga Heerka Sare

Muqdisho, 3 Agosto 2015 – Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo  Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, waxay soo wada dhoweynayaan ballanqaadyadii lagu sameeyay shirki Madasha Wadatashiga Heerka Saree ee ka dhacday Muqdisho. Soddon iyo Laba wufuud ayaa ka qayb gashay shirkaas taariikhiga ahaa, kaas oo ahaa shirkii ugu ballaarnaa ee caalamiga ahaa oo ka dhaca Soomaaliya muddo  tobaneeyo sano ah.

“Waxaan ugu hambalyaynaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed shirkaan guusha ku dhamaaday. Waxaan bogaadinaynaa ballan qaadyadii lagu sameeyay  Madashii Wadatashiga ee Heerkeedu Sarreeyay, (ballanqaadyadaas oo ahaa) in la helo hanaan doorasho  oo hufan loona wada dhanyahay sanadka 2016, (sidoo kalena) la xoojiyo arimaha amniga, lana dardar geliyo  sidii  natiijo waxtar leh oo la taaban karo lagu gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed.  Sidoo kale, waxaan garwaaqsannahay muhiimadda  ay leeyihiin qodabada ku jira Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay  ee tirsigiisu yahay 2232 (2015) kana hadlaya muhimada ay leedahay inaan la kordhin  waqtiga  uu dastuurku siinaayo  hay’adaha  fulinta iyo sharci dajinta.  

Waxaan ogsoonnahay in sanadka 2016 aysan suurto galaynin qabsoomidda hab doorasho oo caalami ah kuna dhisan “qof iyo codkiisa”, laakiin arintaan (doorashada qof iyo codkiisa ah) waa in la gaaraa wareegga kale (xilliga doorasho ee kan xigta). Ballanqaadki la sameeyay ee ahaa in si dhakhso leh loo billaabo wadatashi qaran, laguna heshiiyo habka doorashada, sidoo kalena la billaabo wareejinta xafiiska dadweynaha waqtigi ku habboonaa ee 2016ka – ayaa ah ballanqaad soo dhoweyn mudan.  Waxaa kale oo aan isku raacsannahay  in habka doorashada dhacaysa 2016, kuna salaysan wadadatashi loo wada dhanyahay oo la yeelanaayo bilaha soo socda, uu ahaado mid ka horumarsan habkii doorasho ee dhacday sanadki 2012,  doorashadaanina waa in ay ahaataa mid lagu gaaraayo hab doorasho oo caalami ah kuna qotama “qof iyo codkiisa”.

Waxaan mar kale xaqiijinaynaa muhiimadda ay leeyihiin   tobanka (qodob) ee mabda’ ahaan hagaaya habka geedi-socodka doorashada ee 2016ka kuwaas oo laysku raacay markii la joogay  Kulankii Wadatashiga ee Heerka Sare.

Waxaan ognahay in ballanqaadyo badan la sameeyay  laguna heshiiyay in sanadka soo socda la fuliyo arrimo badan. Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay si dhow ula socon doonaan  wixii horumar ah ee laga sameeyo (arrimaha aan soo sheegnay),  waxayna samayn doonaan  dadaallo aad u xoogan  si looga caawiyo dadka Soomaliyeed fulinta (hawlaha layska rabo ee waqtiyaysan). (Waxaa hadda si dhakhso leh loo doonayaa aana soo dhoweynaynaa) ballanqaadkii la sameeyay ee ahaa in ugu dambayn 15ka Agosto lasoo gabagabeeyo Qorshe-Hawleed tafaftiran kuna aaddan sidi wadatashi heer qaran ah looga samayn lahaa geedi-socodka doorashada 2016. (Faahfaahinta geedi-socodka aan ka hadlayno) waa inuu ahaadaa mid ku qotoma aragtiyada dhamaan dadka ay arrimuhu khuseeyaan, gaar ahaan Baarlamaanka Federaalka iyo mas’uuliyiinta dhamaan maamul goboleedyada. Waxaan ku guubaabinaynaa dhamaan dhinacyada (arrintu khusayso) inay si dhab ah oo degdeg ah usoo gabagabeeyaan shaqadaan kadibna ay kaalin buuxda ka qaataan habka wadatashiga qaranka.

Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya  ayaa ku codeynaayo sida ay uga go’antahay (inay arkaan) in si waqtiyaysan loo fuliyo ballanqaadyadi iyo heshiisyadi la galay, waxay sidoo kalena (ku celiyeen) inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan (gaarista) hadafka ah in la helo Soomaaliya oo mid ah, federaal ah oo demoqoraadi ah, dhexdeedana ka heshiisay, heshiisna la ah dunida inteeda kale.  

Dhamaad

Back to top button