Latest news update

Dowladda oo caawa soo saartay tirada ku dhimatay weerarkii Zoobe

Dowladda Somaliya, ayaa caawa soo saartay warbixin cusub oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah, ee ka dhashay weerarkii lagu hoobtay ee maalintii Sabtida ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Dowladda Somaliya, ayaa caawa soo saartay warbixin cusub oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah, ee ka dhashay weerarkii lagu hoobtay ee maalintii Sabtida ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Wasiirka Warfaafinta, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Isgoyska Zoobe, ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkaasi.

Wasiirka Warfaafinta, ayaa shaaca ka qaaday in dadka ku dhintay weerarkaasi ay haatan tiradoodu gaartay 358 ruux, iyadoo dhaawacu uu yahay 228 ruux, halka 56 kalena aan nolol iyo geeri midna lagu hayn.

Wasiirka, ayaa xusay in 122 ka mid ah dhaawacyada loo kala qaaday dalalka Turkiga, Kenya iyo Sudan, si halkaasi daryeel caafimaadeed loogu sameeyo.

Wasiir Yariisow waxa uu xaqiijiyay ka dib markii adeeg caafimaad loo fidiyo 99 ka mid ah dhaawacyada, ay ka baxeen isbitaalada Magaalada Muqdisho, iyagoona dib ugu laabtay guryahooda, 7 qof oo keliya ayna hadda ku hartay isbitaalada, sida uu yiri.

Yariisow, ayaa ugu dambeen sheegay in Dowladda Somaliya ay magaca ka bedeshay Isgoyska Zoobe, isla-markaana ay u bixisay Isgoyska 14-ka October.

Dhanka kale Wasiirka Amniga, ayaa isna sheegay in weerarkaasi loo soo qab qabtay tiro dad ahi, kuwaa oo sida uu tilmaamay ay baaritaano ku socdaan.

Wasiirka Amniga, ayaa ku waramaya kolka baaritaanada socdaa la soo afjaro, in ay dib shacabka Somaliyeed kala soo wadaagi doonaan, wixii ka soo baxa.

Inkastoo aanay weli Shabaabku sheegan masuuliyadda weerarkan, ayay Madaxda Dowladda Somaliya ku celceliyeen inaysan gaysan cid aan Shabaab ahayn.

Back to top button