Home » Latest news update » Dowlada Somalia oo War kasoo saartay arimaha Xajka iyo Cumrada

Dowlada Somalia oo War kasoo saartay arimaha Xajka iyo Cumrada

Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya ayaa wax badan ka badaleysa qaabkii hore ee dadka Soomaaliyeed Boqortooyada Sacuudiga ugu tagi jireen Cumrada iyo Xajka.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Awqaafta ayaa looga codsaday dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee doonaya in ay ka shaqeeyaan arrimaha Xajka iyo Cimrada in ay Wasaarada iska soo diiwaan galiyaan.

Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta ayaa dooneysa in ay dib u eegis ku sameyso qarashaadka faraha badan ee dowlada uga baxa Xajka iyo Cimrada taa oo si weyn looga soo cabtay.

Halkan ka AKhriso Qoraal kasoo baxay Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta