Latest news update

Dayuurad ku soo dhacday xaafad ka tirsan Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya.

Mid ka mid ah dayuuradaha wax basaasa ee aan duuliyaha laheyn, loona yaqaano Drones-ka ayaa ku dhacday degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dayuuradan oo ay leeyihiin ciidamada Maraykanka ayaa la sheegay iney howlo basaasnimo ah waday.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dayuuradan ku dhacday dhul banaan oo ku yaalla agagaarka xaafada Ceymiska ayna khasaare aan sidaas u buurneyn gaarsiisay guryo jiingado ka sameysan oo halkaas ku yaalla.

Wararku waxay sheegayaan in goobta dayuuradaas ay ku dhacday ay gaareen ciidamada dowladda oo halkaas ka soo qaaday burburka dayuurada.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dayuurad ka mid ah kuwa basaasa ee aan duuliyaha laheyn ay ku soo dhacdo xaafado ka tirsan Muqdisho.

Back to top button